Xal laga gaaray xiisad Colaadeed oo ka taagneyd Gobolka Mudug

by admin | Wednesday, Sep 16, 2020 | 404 views

Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay xallinta Deegaanno ay ka jireen is qab-qabsi dhanka dhulka ah oo u dhexeeyey xoolo dhaqato wada daga Sadex Higlo iyo Gowlale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Masuuliyiin isugu jira Maamulka Gobolka Mudug, Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug iyo xildhibaano ayaa ku guuleystay in ay wax ka qabtaan khilaafaadka mudooyinkii la soo dhaafay ay isku hayeen beelo ka mid ah kuwa dega gobolkaasi.

Marar badan ayeey sidaan oo kale deeganada gobolka Mudug uga dhaceen xiisado iyo shaqaaqooyin la xariira lahaanshiyaha dhulal ku yaalla deeganka iyo goobaha biyaha laga cabo iyadoo maamulku uu ku dadaalayo sidii mardanbe aysan deeganka ugu soo laaban dhacdooyin kuwaan lamidka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response