Maxkamadda Ciidamada oo saaka dil toogasho ah fulisay

by admin | Sunday, Mar 19, 2023 | 229 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad ayaa Maanta dil toogasho ah ku fulisay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur, kuwaas oo uu horay u Dilay xaaskiisa halka kan kale uu Dilay askari ka tirsan Boliiska, waxaana lagu toogtay halka loo yaqaano Cara tuurka oo ah Waqooyiga Baydhabo.

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada baydhabo, Ehellada raga la toogtay iyo dadka ay horay u dileen ayaa goobjoog ka ahaa Goobta toogashada, iyada oo qaar kamid ah dadka Magaalada Baydhabo ay soo dhaweeyeen.

Maalmihii la soo dhaafay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay toogasho ku fulineysay rag katirsanaa Al-Shabaab oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ay geysteen iyo askar dilal geystay, waxaana weli xasbiyada kujira rag kale oo xukuman.

Like it? Share it!

Leave A Response