Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay in lasoo xiro agaasimihii hore ee Canshuuraha Bariga ee degmada Warta Nabadda

by admin | Sunday, Nov 12, 2023 | 101 views
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo agaasimihii hore ee Canshuuraha Bariga ee degmada Warta nabadda, ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim.

Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo hadda maqan, ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq, ku takri-fal hanti dadweyne, iyo dokumentiyo been abuur ah, iyadoo dambiyadan la sheegay inay ka dhaceen xarunta canshuuraha Bariga ee degmada Warta Nabadda.

Maxkamadda oo fulinaysa dacwad ay soo bandhigtay xeer ilaalinta qaranku, ayaa muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 11 November 2023 ilaa 10 December 2023 u qabatay inuu ku hor yimaado maxkamadda.

Waxay maxkamaddu sheegtay haddii uu u hoggaansami waayo amarka maxkamadda in tallaabo sharci ah la qaadi doono.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay qeyb ka tahay dagaalka musuqa ee dowladdu ay waddo, iyadoo la xiray, laguna maxkamadeeyay masuuliyiin badan oo ka tirsan dowladda.

Shalay, maxkamadda ayaa bilowday dhegaysiga masuuliyiin la xukumay oo lagu helay dambiyo musuq maasuq, kuwaas oo qaatay racfaan.

Weli waxaa jira dhowr qof oo uu ku jiro Muxiyadiin Saabay, agaasimihii hore ee Waaxda Canshuuraha Bariga, Cabdul Qaadir Cilmi Cali, Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka, Maxamed Aadan Jimcaale, oo loo jeediyay eedeymo isku mid ah.

Like it? Share it!

Leave A Response