Mid ka mid ah gaadiidka AMISOM oo ku dardaray Mooto Bajaaj magaalada Jowhar

by admin | Sunday, Sep 23, 2018 | 1396 views

Mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa  ku dardaray mooto bajaaj maraysay bartamaha magaalada Jowhar iyadoo darawalkii mootada uu dhaawac culus ka soo gaaray.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaadiid kolonyo ah oo ciidamada AMISOM lahaayeen marayay meel u dhow saldhigga Booliska degmada Jowhar uu ku dardaray mooto bajaajta iyadoo aysan u istaagin oo socodkoodii sii watay.

Ciidamada Booliska ee degmada Jowhar ayaa gurmad u sameeyay darawalka mooto bajaajta iyagoo geeyay isbitaalka magaalada Jowhar.

Ciidamada AMISOM ayaa ka carara amaba aan wax gurmad ah u sameyn dadka waxyeelada ka soo gaarta shilalka ay sababaab gaadiidkooda.

Cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan dalka Burundi ayaa fariisin ku leh duleedka Bari ee magaalada Jowhar.

Like it? Share it!

Leave A Response