Munaasabad xilwareejin ah ayaa ka dhacday magaalada baladweyne.

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 979 views

Munaasabadan oo aheyd mid uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan  Cabdulahi Axmed Maalin ( Sufuroow) ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle, xildhibaano ka tirsan maamulka, qaar ka mid ah waxgaradka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirada ka qeyb galay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka maaliyada Maxamed Maxamuud Cabdulle, wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle, wasiirka amniga Cabdulqaadir Aadan Jeelle iyo wasiiro kale..

Taliyaha ciidamada nabad sugidda qaranka  qeybta Hirshabeelle Axmed Cabdi Weheliye ( Waaweyne) ayaa sheegay inay saraakiil ahaa inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan cid kaste oo wada falal amaanka wax u dhimaya.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulahi Buraale Raaxeeye iyo  guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Farxaan Cumar Carte ayaa  ku dardaarmay guddoomiyaha cusub inuu si cadaalad ah ugu shaqeeyo bulshada gobolka islamarkana ay garab tagan yihiin.

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin ayaa sheegay inuu xooga saari doono sidii dib u heshiisiin loo dhax dhigi lahaa bulshada gobolka Hiiraan.

Wasiirka maaliyada maamulka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa kula dardaarmay  maamulka cusub inay la yimadan wax qabad la taaban karo islamarkaana shacabka gobolka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan maamulka cusub

Wasiirka arrimaha gudaha  Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle  oo si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub ayaa sheegay In daruufo jira ogood uusan ka soo qeyb galin guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan.

Like it? Share it!

Leave A Response