Mustaf Cagjar oo wareegtadii ugu horeysay uu soo saaro ku magacaabay xilalka taliyaasha ciidamada

by admin | Tuesday, Aug 28, 2018 | 949 views

Wareegtadii ugu horeysay ee uu  soo saaro  Madaxweynaha cusub ee Somali State Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa waxa uu xilalkii ugaga qaaday Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Millatariga iyo Sirdoonka.

Sidoo kale wareegtadan ayaa xilka loogaga qaaday Wasiirkii Madaxtooyada iyadoo hore looga wareejiyay ciidamada Liyuu Boolis sugida amniga madaxtooyada magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa u Magacaabey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalida Itoobiya Janeraal Maxamed Yare Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Liyuu Boolis Col, Maxamed Cabdi Mowzar.halka Taliyaha Ciidanka Asluubta loo Magacaabay  Col, Cabdi Kariin Sheekh Muuse.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in lagu wado in Madaxweyne Cagjar uu magacaabo golihiisa wasiirada iyadoo inta badan golihii wasiirada Maamulkii hore ay baxsadeen.

Magacaabista xilalkan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan maalin kadib markii xabsiga loo taxaabay Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response