WAR DEG DEG Ah:DEG DEG:-Dagaal Ka qarxay Baladweyne iyo faafaahin ku saabsan.

by admin | Tuesday, Aug 28, 2018 | 1093 views

Dagaalkan gor dhaw ka qarxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa u salka ku hayaa xiisad ka dhalatay dil shalay lo geystay darawal mooto bajaaj

Magaalada Beledweyne ayaa shalay iyo maanta waxaa ka taagnaa xaalad amni daro iyadoo dabley qaab beeleed u abaabulan lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee magaalada Beledweyne.

Inta badan goobaha ganacsiga ayaa xirnaa maanta iyadoo saldhigga Booliska magaalada Beledweyne uu ku yaal meel ku dhow suuqa ugu weyn ee magaalada Beledweyne.

Dableyda weerarka geysatay oo ku hayb ah darawalka mooto bajaajta la diley  ayaa waxa ay dalbanayeen in loo soo saaro askari dilka geystey si ay u dishaan.

Hase yeeshee saraakiisha ciidamada Booliska magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegeen in maxkamad la soo taagi doono askariga dilka geystay

Like it? Share it!

Leave A Response