Muxuu yahay go’aanka laga filayo Maxkamadda kadib dhegaysigii Dacwadda kiiska Sayid Cali?

by admin | Tuesday, Feb 27, 2024 | 38 views

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay go’aan soo saarto kadib markii ay dhageysatay dacwadda loo haysto ee Eedaysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay Xaaskiisa oo Xaamilo ahayd.

Maxkamadda ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadda, waxaana la horkeenay Marqaatiyaal, kuwaasi oo ka jawaabay waxii ay goob joogga u ahaayeen ama maqleen.

Maxkamadda ayaa dhageystay oo Su’aalo waydiisay Sayid Cali Macalim Daauud waxaa uu sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay in ay tahay asaga oo ka maseeray isla markaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa, asaga oo ka jawaabaya mid ka mid ah su’aalaha ayaa yiri ” Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin jn aan badbaadiyo ayaan isku dayay.”

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa sheegay in in dacwadda uusoo gaba-gabeeyay xukunkana ay dhawaan soo saari doonto.” Maanta waxaan soo xernay gal dacwadeedka sumadiisa tahay, 147/2024 waxaana dhawaan soo saari doona xukunka go’aanka Maxkamadda” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda

Maxkamadda waxaa soo xaadiray boqolaal qof oo daneynayay sida dacwadda u socotay, ehaladda Luul ayada oo warbaahinta toos looga daawanayay.

Like it? Share it!

Leave A Response