Biyo la’aan ka jirta Deegaanka Ceel Muluq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

by admin | Tuesday, Feb 27, 2024 | 42 views

Deegaanka Ceel Muluq ee qiyaastii 30 Kiilo-mitir u jira Deegaanka Xaaji Cali Koofurta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka jira xaalado adag oo dhinaca Nolosha ah sida Biyo la’aan, Daryeelka Caafimaadka oo aad u liita, Waxbarashada & adeegyada kale ee Bulshadu u baahan tahay.

Duubabka Dhaqanka Deegaanka Ceel Muluq ayaa sheegay in marka Haweeneydu fool qabato loo qaado Magaalada Muqdisho oo fogaan ka fog deegaankaas waxaana suuragal ah in mararka qaar ay naf baxaan ama xaaladdooda sii adkaato maadaama gargaarka degdega ah aanay ka jirin deegaankooda.

Mid kamid ah Odoyaasha Deegaanka ayaa sheegay in dhul ka fog ay ka doontaan biyaha ay isticmaalaan taasina ay sababtay ceel la’aan ka jirta deegaankooda iyaga oo dalbaday in laga gacansiiyo bulshada ay hoggaanka u yihiin sidii ay u heli lahaayeen Ceel-biyoodka ay baahida u qabaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Deegaanka Ceel Muluq ayaa sheegay in Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle & Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u bandhigayaan xaaladahaan si wax looga qabto maadaama adeegyadaan ay aasaaasi u yihiin Nolosha Bulshada ku sugan Deegaankaas oo haddii ay waayaan suuragal ay tahay in ay isaga guuraan.

Like it? Share it!

Leave A Response