Xasan Sheekh oo Kenya uga qeyb galaya shirka Arrimaha deegaanka ee QM.

by admin | Tuesday, Feb 27, 2024 | 40 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya uga qeyb-gali doono meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha deegaanka.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada Xukuumadda Soomaaliya Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka kenya danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa shalay ka qeyb galay Furitaanta meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha deegaanka.

Wafdiga ay hogaamineyso Wasiir Khadija Mohamed Almakhzoumi ee shalay ka qeyb-galay furitaanka Meertadaas ayaa hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuudoo dhawaan la filaayo iney ka qeyb-galaan shirkaas.

Shirkan oo socon doono ilaa 1 much ee 2024 ayaa diiradda lagu saaray sida ay dalalka caalamka uga wada shaqeyn lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada deegaanka oo ugu horeyso wasaqowga hawada, isticmaalka bacaha, xaalufinta deeganka iyo isbeddelka cimilada.

Like it? Share it!

Leave A Response