MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud: “Dagaalka dhaqaalaha ee ‘AS’ af ma ahan ee waa Ficil”.

by admin | Sunday, Jan 29, 2023 | 149 views

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka dhanka Dhaqaalaha ah ee ka dhanka ah ‘AS’ waxaana uu tilmaamay in la xiray lacag badan oo telefoonno ku jirtay.

Madaxweyne Xasan ayaa shaaciyay in dagaalka dhanka dhaqaalaha uu yahay mid ficil ah, Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay howlan tahay soo bandhigista khasaaraha ka gaaray ‘AS’ dagaalkaas.

Waxa uu u digay Dadka la tacaamula ama dhaqaalaha siiya ‘AS’ waxaana uu sheegay in laga daba-tagi doonno qofkii lagu soo qabtana arrintaan lala xisaabtami doono waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dowladdu mardhow way soo bandhigi doontaa xisaabtaan badan oo ‘AS’ Bangiyada uga furnaa oo la xiray, lacag malaayiin ah ayaa ka xayiran, dagaalka dhaqaalaha ah ee ‘AS’ aan kula jirno afka ma aha nee waa ficil, sida ay Dadkeena u isticmaaleen, Dekedaheena u istcimaaleen, Guryaheena u isticmaaleen ayay Bangiyadeena, Telefoonnadeena & Xawaaladeena u isticmaaleen” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ uu yahay mid saddex jiho ka socda kuwaas oo kala ah: Dagaalka tooska ah ee militariga, kan Maaliyadda & Fikirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Dowladda Federaalka ay xoogga saartay fulinta howlgallada muddada Kooban gacanta lagu dhigay Magaalooyin muhiim ah oo qaarkood ‘AS’ ay maamulayeen in ka badan 10 sano.

Like it? Share it!

Leave A Response