Nin Ganacsade Caan ah ku dilay Qardho oo laga soo qabtay Yemen

by admin | Saturday, Aug 17, 2019 | 644 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya  Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye uu ku guuleystay soo qabashada nin ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Cabdi Gufure oo 20-July-2019 lagu dilay magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Maamulka Puntland ayaa xalay lagu wareejiyay ninkaasi, waxaana Dekedda Boosaaso kasoo dejiyay Mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo dadaal ugu jirtay soo qabashadda Ninkaasi maalmihii ugu dambeeyay.

Mas’uuliyiinta Safaaradda ayaa waxaa kala wareegay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kunle, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), taliyaha Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo sarakiil kale.

Puntland ayaa sheegtay in ay Safaaradda uga mahadcelinayso sidda ay gacanta ugu soo dhigtay ninkaasi oo ka baxsaday Magaalada Qardho markii uu ku dilay Ganacsade si weyn looga yaqaano Magaalada.

Like it? Share it!

Leave A Response