Puntland oo beenisay in ay abuurtay sicir bararka ka taagan degaanadeeda

by admin | Saturday, Oct 10, 2020 | 329 views

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa faahfaahin ka bixiyay sicir bararka ka taagan degaanada maamulka Puntland oo xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiirka waxaa uu beeniyay in Puntland ay kordhisay Canshuuraha, islamarkaana sicir bararkaasi uu ka dhashay lacago laga keeno Koonfurta Soomaaliya sidda uu sheegay wasiirka.

Lacagta dollarka ayuu sheegay in degaanada Puntland qiimo aad u sareeya lagu sarifyo halka Koonfurta Soomaaliya lagu sarifaayo lacag hooseysa.

Waxaa uu sidoo kale beeniyay in Puntland lacago faaliso ah ay ku fasaxday Suuqyada degaanada maamulka Puntland.

Shacabka degaanada maamulka Puntland ayaa cabasho xooggan ka muujiyay ka dib sicir barar xoog leh oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa Suuqyada Puntland markii boqolkii doollar uu sarifkiisu gaaray lacag dhan afar Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.
Like it? Share it!

Leave A Response