Puntland oo xal ka gaartay Shaqaaqo ka dhacday Gobolka Mudug

by admin | Thursday, Oct 27, 2022 | 291 views

Guddoomiyaha Gobolka Mudug  ee Puntland Faysal Sheekh Cali jifo iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Gogol Nabadeed ay fidiyeen wax-garadka  Deegaan Xera-jaalle oo looga heshiinayey  laguna soo af-jarayey dhacdo dhex martay Beelo wada dega deegaanada  Xera-jaalle iyo  Galdogob, oo ka wada tirsan Dagmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Gogashan ayaa ahayd tii Saddexaad oo ay kuwada hadlaan labada Beelood ayaa lagu xaliyey dhacdadii horay uga dhacday Degmada Galdogob, Nabadoonada Deegaanka Xera-Jaalle ayaa Gogosha Nabadeed keenay dhamaan Ragii gaystay falkii horay uga dhacay Degmada Galdogob.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Cali Jifo ayaa sheegay in mid kamid ah Beelihii wax laga dilay lagu wareejiyay dadkii dilalka geystay, hayeeshee Beeshii ay cafisay si nabad loogu wada noolaado.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Nabadoonada Deegaanka Xera-jaalle ay isla goobta ku bixisay Duugtii, Qorigii, ilma-tir iyo dhaawacyo kale oo ka dhashay dagaal labada beelood dhexmaray.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Cali Jifo ayaa ugu baaqay dhinacyada inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa Nabada iyo Wada Degnaanshaha, isaga oo adkeeyey Muhiimada ay leedahay Nabada iyo Wadajirka Bulshooyinka wada dega.

Like it? Share it!

Leave A Response