Weerar lagu dilay 15 qof iyo Kooxda Daacish oo sheegatay

by admin | Thursday, Oct 27, 2022 | 285 views

Koox hubaysan ayaa waxay rasaas ku fureen dadweyne ku sugan goob ay shiicadu ka barakaysato, waxayna halkaas ku dileen illaa 15 qof, halka ay dhaawaceen 40 qof oo kale, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay goobta ay shiicadu ka barakaysato ee Shah Cheragh oo ku taalla magaalada Shiraz.

Warbaahinta dawladda ayaa dhacdadan ku tilmaamntay inay tahay weerar argagixiso, waxayna sheegtay in la ka mida dadka loo tuhmayo weerarkan in la soo xiray.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka Iran ay maalintii 40aad ka socdaan mudaharaado looga soo horjeedo xukuumadda dalka Iran, kuwaas oo ka dhashay gabadh yar oo ay ciidamada anshaxa ee caasimadda Tehran ay xidheen, ka dibna ku dhex geeriyootay xabsiga.

Like it? Share it!

Leave A Response