Waalidiinta askarta ku sugan Eritrea oo iclaamiyey dibadbax ka dhan ah Xasan

by admin | Thursday, Oct 27, 2022 | 313 views

Qaar kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waalidiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan ahmiyad gaar ah siin soo celinta wiilashooda, islamarkaana uusan ka dhameyn ballan-qaad uu usameeyay waalidiintaan, sida ay sheegeen.

Waxay ku dhawaaqeen banaanbax haddii aysan madaxda sare ee dalka uga soo jawaabin cabashadooda, kuwaasi oo markii u horeysay ay soo bandhigtay xogta ciidamadaasi dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa iclaamineyna anaga oo ah waalidiintii dhibanayaasha ah banaanbax aan caadi aheyn oo lala yaabi doono oo dhagaha faraha la galin doono oo dowladda iyo caalamka ay la yaabi doonaan haddii aan jawaab deg deg ah nala siin,” ayuu yiri mid kamid ah waalidiinta oo warbaahinta la hadlay.

“Xasan Sheekh keen ciidanka, adiga ayaa dalka u weyn xataa shalay waadigii u ololeynayay. Xasan Sheekh waxa uu keeni waayo cid kale ma keeni karto. Waxaa ka codsanaya gobolada Soomaaliya inay banaanbaxyo ku dhuftaan waa dadka u badan ee ka caruurtu ka maqan tahay.”

Sidoo kale waxay sheegeen inay xaalado adag la soo daristay qaar kamid ah waalidiinta kadib markii ay war iyo wacaal waayeen caruurtoodii oo dowladdii hore ay u qaaday tobabar ciidan.

“Dowladeena sharafta leh waa soo ahaan weyday ma aqaan wax ay kusoo ahaan weyday, waxaa codsaneyna inay na-qancsio dowladu oo haddii ay cilad jirto waa in naloo sheego oo waxaa daneynayna in dowlada naqaabisho oo nala hadasho.”

Tan iyo markii uu dib u qarxay dagaalka Itoobiya ee Jabhadda Tigray iyo dowladda waxaa soo baxaaya walaac hor leh oo laga qabo in Eritrea furimaha dagaalka soo geliso ciidamada Soomaaliya ee dalkaasi ku sugan, kuwaasi oo dowladda Xasan Sheekh aysan weli xal u helin inay dalka dib ugu soo celiso.

Ilaa hadda Villa Somalia qorshe cad oo lagu soo celinayo askartaasi uma soo bandhigin shacabka, gaar ahaan waalidiinta welwelka ka qabo caruurtooda halka ay ku danbeyn doonaan, taasi oo sii laba jibaareysa walaaca ay hore u qabeen waalidiinta

Like it? Share it!

Leave A Response