Qaabkii Ay Dortmund U Garaacday Kooxda Man City Xilli Riyad Mahrez Kulankiisii Ugu Horeeyay U Saftay Citzen

by admin | Saturday, Jul 21, 2018 | 1058 views

Kooxda Man City ayaa dusha loo saaray kulankii ugu horeeyay ee tartanka International Champions Cup iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Borussia Dortmund kulan uu Riyad Mahrez ciyaaray kulankii ugu horeeyay ee kooxda Man city.

Xiddiga garabka uga ciyaara Dortmund ee Mario Gotze ayaa goolk guusha u dhaliyay kooxdiisa isaga oo dhaqiiqadii 28-aad gool u badalay rikoodhe loo dhigay.

Mahrez oo kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray City tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Leceister city xilli ay shaxdu u badnayd xiddigo da,yar ah.

Xiddiga reer Algeria ayaa ciyaaray 73 daqiiqo isaga oo ku sigtay in uu dhaliyo gool laad xor ah oo uu si qurux badan uga dhalin gaaray Dortmund.

Shaxda uu Guardiola ku soo galay kulanka ayaa ka koobnayd xiddigaha Bravo,Phil Foden,Brahim Díaz iyo xiddigo kale oo da,yar ah.

Dhanka kale kooxda Dortmund ayaa ku soo gashay shax ka adag sida Man city iyada oo ay kooxda hogaaminayeen xiddigaha Gotze,Polisci iyo xiddigo waaweyn oo kale.

Qaybtii dambe ayay kooxda Man city u soo galeen xiddigaha Leroy Sane,Joe Harta iyo xiddigo da,yar ah oo kale si ay ciyaarta wax uga badalaan.

Taas ayaa la macno ah in kooxda Man city guuldaro ku bilaabatay Tartanka iyada oo haatan sugi doonto kulamada kale ee ay ciyaarti doonto tartanka malmaha soo socda Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan

Like it? Share it!

Leave A Response