Qaramada Midoobay oo 100 milyan oo dollar u qoondaysay dalal ay kujirto Soomaaliya

by admin | Friday, Apr 15, 2022 | 308 views

Qaramada Midoobay ayaa 100 milyan oo dollar oo  gargaar ah gaarsiineysa meelaha gaajada iyo haraadka ay kajiraan ee Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay saameeyeen colaadda Ukraine oo halis gelinaysa malaayiin qof oo xitaa qaarkood macluul wajahaya.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa maanta 100 milyan oo doolar uga qoondeeyay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah ee dhexe mashaariicda gargaarka ee lix wadan oo Afrikaan ah iyo Yemen.

Lacagtan ayaa u sahlaysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaashooda inay bixiyaan cunto, lacag caddaan ah iyo gargaar nafaqo oo muhiim ah iyo sidoo kale agabyo kale oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka, hoy iyo biyo nadiif ah. Mashruucyada waxaa sidoo kale loo habayn doonaa si ay u caawiyaan haweenka iyo gabdhaha marka ay ku jiraan khataraha dheeraad ah.

Dhaqaalaha cusub ayaa lagu taageeri doonaa howlaha bini’aadantinimo, iyadoo 30 milyan oo dollar loogu talagalay Geeska Afrika oo loo qeybiyay Soomaaliya ($ 14 milyan), Itoobiya ($ 12 milyan) iyo Kenya ($ 4 milyan). Qaybaha soo haray loo kala siin doonaa Yemen ($ 20 milyan), Suudaan ($ 20 milyan), South Sudan ($ 15 milyan) iyo Nigeria ($ 15 milyan).

Colaadaha hubaysan, abaaraha iyo dhaqaale xumada ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee keenay cunto yarida todobada waddan ee cuntada la siinayo. Laakiin dagaalka Ukraine ayaa ka dhigaya xaalad aad u xun, taasoo carqaladaynaysa suuqyada cuntada iyo tamarta, waxayna kor u qaadaysaa qiimaha alaabada la soo dejiyo. Bishii Maarso, tusmada qiimaha cuntada ee Ururka Cuntada iyo Beeraha ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo 1990kii.

Like it? Share it!

Leave A Response