Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

by admin | Wednesday, Jul 8, 2020 | 420 views

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay dhabarka danbe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Magaalada Muqdisho oo ku dhow Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya,sidoo kalena sawir laga soo qaaday gaariga la soo dhigay Bulshada gaar ahaan Facebook.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaasi,waxaana goobta gaaray Ciidamo kale oo Boolis ah,kuwaas oo joojiyey isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Like it? Share it!

Leave A Response