Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magalada Muqdisho

by admin | Tuesday, Jul 16, 2019 | 776 views

Qaxaraan ayaa la sheegay in goordhow uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Black Sea ee Magalada Muqdisho,isla markaana uu sababay dhimashada lab ruux sida ay risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararkaqaar ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhex dhacay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay Isgoyska Black Sea, hayeeshee weli aan la shaacin nooca qaraxa, iyada oo laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.

labada ruux ee geeriyootay ayaa wararku waxaa ay sheegayaan inay ka mid ahaa Shaqaalaha shirkadda walow Maamulka uusan weli ka hadlin qaraxa la sheegay in uu ka dhacay Xarunta Shirkadda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya aya tegay halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay

Weli macada nooca uu ahaa qaraxaasi iyo in goobta la dhigay iyo in kale,waxaana halkaasi baaritaano ka wada qaar ka mid ah hay’adaha Amniga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response