faafaahin:Qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyan ah

by admin | Tuesday, Jul 16, 2019 | 786 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan geystay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee howlgalka AMISOM lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,waxana lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ku wajahnaa Saldhig ay ku leeyihii duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Weli sirasmi ah looma cadeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee Ciidamada Itoobiya kasoo gaaray qaraxaas,hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 20 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya.

Si kastaba Ciidamada AMISOM ee ka kala socda wadamada kala duwan & kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar lala eegtaa qaraxyo kala duwan oo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response