Qarax lagu dilay askar ka tirsan militariga Soomaaliya

by admin | Sunday, Mar 7, 2021 | 354 views

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay lagu dilay askar ka tirsan militariga Soomaaliya.

Qaraxan oo ka dhacay degmada Waajid ayaa lagu bartilmaameedsaday askar ka tirsan militariga Soomaaliya, waxaana goobta lagu dillay saddex askari iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa ay ciidamadu adeegsadeen rasaas xooggan hasse ahaatee lama sheegin cid wax ku noqotay rasaastaasi.

Al-shabaab ayaa weerarro ba’an ka geysta qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool, iyaga oo qaar ka mid ah deegaanadaasna go’doomiyay.

Like it? Share it!

Leave A Response