Qarax lagu weeraray Kolonyo uu la socday Wasiir Goodax

by admin | Sunday, Aug 16, 2020 | 467 views

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka badbaaday Qaraxa Miino oo lagula beegsaday gobolka Gedo sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Gedo.

Wasiir Goodax Barre ayaa markii qaraxa lala eeganaayay waxa uu ku socdaalayay wadada isku xirta Doolow iyo Balad-Xaawo gaar ahaan deegaanka Uunsi ee Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in Khasaare dhimasho ah uusan jirin laakiin dhaawacyo ay jiraan, Wasiirkana hadda uu ku sugan degmada Dollow.

Like it? Share it!

Leave A Response