Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Sunday, Aug 16, 2020 | 496 views

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan xaafadaha degmada Kuntuwareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Jimcihii kala wareegeen Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada howlgalka hoggaaminaya ayaa warbaahinta dowladda waxaa ay u sheegeen in Ciidamada ay Gacanta ku dhigeen Miinooyinka Dhulka lagu aaso , kuwa lagu xiro Gaadiidka iyo aalado kala duwan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Saraakiisha in Ciidamada inay soo qabteen Saddex Qof oo kamid ah Al-shabaab, xilli ay ku diyaarinayeen qaraxyo Gudaha degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda ayaa tan iyo markii ay la wareegeen Jimcihii la soo dhaafay degmada Kuntuwaareey waxaa ay wadeen howlgallo kala duwan, iyada oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay kula wareegayaan degaano dhowr ah.

Like it? Share it!

Leave A Response