Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

by admin | Tuesday, Dec 25, 2018 | 813 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lala eegtay xilli ay marayeen duleedka Magalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa ayaa dad ku sugan Jowhar waxa ay sheegeen in uu ahaa miinada nooca lagu aaso ah,isla markaana kolonyada AMISOM ay marayeen meel u dhow deegaanka Buurane ee duleedka Jowhar.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas,waxaana ay sheegeen in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah Kolonyada AMISOM.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xooga dalka oo aan xiriir la sameynayay ayaa waxa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan qaraxaas.

Like it? Share it!

Leave A Response