Qarax ruxay Kabul & Qoys la gawracay

by admin | Sunday, Feb 5, 2023 | 195 views

Xilli dambe oo xalay oo Sabti ahayd ayaa waxa uu Qarax ka dhacay Fagaaraha Pashtunistan Square ee Degmadda Labaad ee Caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul.

Afhayeenka Taliska Boliska ee Kabul, Khalid Zadran ayaa xaqiijiyey inay 2 qof ku dhaawaceen Qaraxaasi oo ahaa nooca Birlabta leh ee lagu dhejiyo Gawaarida (a magnetic mine).

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Gaari nooca Toyota Hilux oo lagu xiray miinada dhejiska uu ku qarxay Fagaare ku yaalla Kabul, , iyadoo ay 2 qof kudhaawacmeen.

Afhayeenka Boliska Kabul ma bixinin Faahfaahin dheeraad oo ku aadan Weerarkaasi, balse, waxaa socota Baaritaanka waxa sababay Qaraxaasi, mana jirto Koox sheegatay inay ka dambeeyeen dhacdadaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalladda Kabul waxay Qaraxaasi ku tilmaameen mid laga Argagaxo, iyadoo Dayaankiisa laga maqlay goobo aad u Fog.

Dhanka kale, 7 qof oo isku Qoys ahaa ayaa waxaa shalay Syria looga jaray Degmadda Chimtaal oo ka tirsan magaalladda Mazara Shariif ee Waqooyiga dalka Afgaanistaan.

Lama yaqaano sababta loo gawracay dadkaasi iyadoo aan weli la aqoonin Dembiilayaashii geystay Falkaasi naxdinta badan.

Labo Toddobaad ka hor, Xildhibaanad hore uga tirsanayd Barlamaanka afgaanistaan oo lagu magacaabi jirey Mursal Nabizada iyo mid ka mid Ilaaladeeda Khaaska ayaa lagu dilay Bartamaha Caasimadda dalkaasi ee Tehran Kabul.

Like it? Share it!

Leave A Response