Qatar oo xoojineyso xiriirka kala dhexeya Soomaaliya

by admin | Thursday, Jan 26, 2023 | 238 views

Wasiirka Shaqada ee dalka Qatar, Dr. Cali bin Samiikh Al-Mari waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Somalia, Biixi Iimaan Cigeh oo Booqasho Rasmi ah ku jooga Caasimadda ah dalka qatar ee Doha.

Warkan oo aan ka soo xiganay Wakaallada Wararka dalka Qatar (QNA) waxay Labada Wasiir ka wada xaajoodeen Xiriirka labada dal, Iskaashiga Wadajirka ee Arrimaha la xiriira Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hanaanka Taageerada iyo Horumarinta.

Waxay kaloo Dib-u-eegis ku sameeyeen Wada-shaqayn dhex marta Labada Wasaaradood ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somalia iyo Qatar.

Dhanka kale, Wasiir Biixi Iimaan Cige waxa uu ka qeyb galay Shirweynaha 42-aad ee Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalalka Carbeed oo maanta ka furmay Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Like it? Share it!

Leave A Response