QM oo ku baaqday $70 milyan oo lagu caawiyo Malawi

by admin | Tuesday, Apr 4, 2023 | 213 views

Qaramada Midoobay iyo hay’ada kale ee samafalka ayaa ku baaqay in lacag gaareysa $70.6 milyan lagu caawiyo dalka Malawi, gaar ahaan, dadka ay saamaysay duufaantii dalkaas ku dhufatay.

Duufaanta Freddy, oo sidoo kale ku dhufatay dalalka Mozambique iyo Madagascar, ayaa dalka Malawi ku dishay boqollaal qof, halka ay barakaceen in ka badan 650,000 oo qof oo ku noolaa koonfurta dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lacagtan loo isticmaali doono hoy, nafaqo, caafimaad, biyo iyo daryeel bulshada ku nool goobaha ay duufaantu sida xooggan ugu dhufatay.

Lacagtan lagu baaqay ayaa ka sarraysay $45.3 milyan oo hore ay ugu baaqeen hay’adaha samafalku si looga jawaabo daacuunkii dillaacay, waxaana haatan tirada qaaraanka guud uu gaareysa illaa $115.9 milyan.

Like it? Share it!

Leave A Response