Qofkii labaad ee Qaba Cudurka Coronavirus oo laga helay Muqdisho{AKhriso}

by admin | Thursday, Mar 26, 2020 | 443 views

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisey in Magaalada Muqdisho laga helay qofkii labaad ee qaba Cudurka Coronavirus ee ku baahay Caalamka.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabatay Magaalada Muqdisho ayay Maanta ku shaacisey in Qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa,kadib baaritaan lagu sameeyey laga helay Cudurka COVID 19.

Waxaa ay sheegtay in qofkaas uusan jirikiisa ka muuqan Calaamadaha Cudurka,hayeeshee Wasaaradda Caafimaadka ay muwaadinkaas Soomaaliyeed ay gacanta ku heyn doonto ilaa iyo inta uu ka caafimaadaayo.

16-kii Bishaan ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay shaacisey in qofkii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus laga helay Muqdisho kaas oo ka yimid wadanka Shiinaha.

Like it? Share it!

Leave A Response