Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqashadii Shanaad ku tagay Dooxa

by admin | Friday, Dec 13, 2019 | 620 views

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Dooxa uga qayb gelaya madasha Dooxa.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya, waxaana taageeradeeda ay soo shaacbaxday Markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

kheyre ayaa tan iyo markii uu noqday Ra’iisul Wasaare tagay dalka Qatar May 13, 2017  Dec 13, 2018 , June 1, 2019 iyo November 16, 2019

Like it? Share it!

Leave A Response