Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u ambabaxay Faransiiska

by admin | Sunday, Nov 10, 2019 | 717 views

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay u ambabaxeen dalka Fariinsiiska.

Wafdiga oo Garoonka diyaaradaha ay kasii sagootiyeen Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda ayaa waxaa ay ka qeyb-galayaan madasha nabadda Paris, oo looga hadlayo Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Faransiiska waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda kasoo qeyb-galeysa Shirkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response