Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ukraine oo ku baaqday in la xiro hawada dalkaas

by admin | Monday, Mar 7, 2022 | 437 views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ukraine, Yulia Tymoshenko ayaa dalalka xulufada la ah dalkeeda ugu baaqday “in la xiro hawada” dalka Ukraine.

Waxay sheegtay in Ukraine “ay qiimeysay cunaqabataynta adag” ee lagu soo rogay Ruushka tan iyo markii uu billowday duullaanku, balse waxay sheegtay in Ukraine ay u baahan tahay “caawin dhab ah”.”

Caawintaan ayay ku sheegtay in ay tahay in ” la xiro hawada dalka Ukraine”.

Mar la weydiiyay in haddii NATO ay hawada Ukraine ku soo rogto xaalad deg deg ah oo duulimaadyada ka caaggan in arrintaasi ay xaaladda uga sii darayso iyo in kale, ayay ku jawaabtay “Fasax loogama baahna NATO” waxayna ku adkaysatay in tallaabadaas at qaadi karaan haddii ay isbahaystaan dalalka Ukraine ku xeeran.

Waxay sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka dalbatay in ciidamo nabad ilaalin ah loo soo diro Ukraine iyo in sidoo kale dalkaas la geeno qalabkii ugu dambeeyey ee lidka diyaaradaha.

Like it? Share it!

Leave A Response