Real Madrid Oo Raadinaysa Difaac Wanaagsan Oo Booska Ku Qabsada Sergio Ramos

by admin | Sunday, Oct 14, 2018 | 946 views

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa suuqa ugu jirta raadinta laacib heer caalami ah oo ka ciyaara khadka dambe ee difaaca oo dhaliilo badan ka jireen tan iyo markii uu ka tegay laacibkii reer Portugal ee Pepe.

Sergio Ramos iyo Raphael Varane ayaa ah labada laacib ee Los Blancos uga ciyaara difaaca, hase yeeshee dhibaatada jirta ayaa ah in aanu kooxda joogin hal ciyaartoy oo booskooda ku qabsan kara amaba cidhiidhi gelin kara, taasina waxay keentay habacsanaan daafac oo ka dhigay in si sahlan goolal badan looga dhalin karo.

Ciyaartoyga kaliya ee marka uu midkood garoonka ka baxo beddela ayaa ah Nacho balse ma aha ciyaartoy cadaadis saari karaya, kaliyana wuxuu u qalmaa inuu beddel suge u ahaado.

Tartan khadka dambe ee difaaca ah, waxa Real Madrid ugu dambaysay intii uu joogay Pepe oo ka garab ciyaari jiray Sergio Ramos balse labadooba waxa cabsi ku hayey Varane oo waqtigaas beddel suge u ahaa, kulamada qaarkoodna ka riixan jiray kooxda koowaad, waxaanay taasi faaa’iido u ahayd kooxda oo mid walba uu u dagaallami jiray inuu booskiisa ilaashado. Markii uu ka tegay Pepe, waxa booskiisii uu noqday mid aan jirin oo kaliya Varane iyo Ramos ay noqdeen xiddigaha kaliya ee haddii ay si fiican u ciyaaraan iyo haddii kaleba aanay cidi taaban karin.

Sannadkii hore, Los Blancos waxay caaamadsatay saddex ciyaartoy oo difaaca ah oo ay u dagaallantay inay keento garoonka Estadio Santiago Bernabeu, laakiin midkoodna umay suurtogelin.

Lucas iyo Jose Gimenez oo ka ciyaara Atletico Madrid iyo Samuel Umtiti oo Barcelona ah ayaa uu madaxweyne Perez ku dedaalay sidii ay u xidhan lahaayeen Funaanada Real Madrid, laakiin mid kastaaba wuxuu si geesinimo leh iskaga fogeeyey waddo kasta oo geynaysa Bernabeu.

Sidoo kale, difaaca PSG ee Marquinhos ayaa isaguna albaabada ka xidhay, waana markii u dambaysay ee madaxweyne Perez uu ka qancay suuqa iibka inuu ka helo difaac wanaagsan.

Sergio Ramos oo sannadkii 2005 ay Real Madrid kasoo iibsatay Sevilla iyagoo kasoo bixiyey lacag dhan 27 milyan oo Euro iyo Varane oo 10 milyan oo Euro ugu yimid ayaa ah labadii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa ee muddo dheer yimaadda, waxaana tarraxay Pepe oo iyadoo xirfaddiisu aanay dhamaanin ay da’diisu weynaatay, una wareegay kooxda reer Turkey ee Besiktas.

Jesus Vallejo oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta, sannado uu amaahh ugu soo ciyaaray kooxo kale kaddibna soo laabtay, ayaan weli laga haynin wixii laga filayey.

Real Madrid ayaa hadda isha ku haysa laba ciyaartoy oo khadka difaaca ah oo bisha January amaba xagaaga ay dagaal u gelli doonto, waana Leo Santos oo u dhashay waddanka Brazil una ciyaara naadiga Corinthians iyo Mario Hermoso oo Espanyol ka tirsan hase yeeshee hore ugu ciyaaray Real Madrid oo ay dib ugu soo ceshan karayso lacag dhan 7.5 milyan Euro.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa ku jirta xaalad degdeg ah oo ay ku khasban tahay inay doonato difaac wanaagsan iyo ugu yaraan hal ciyaartoy oo ku fiican dhalinta goolasha oo masiibada ka haysata goolka ka saari kara.

Like it? Share it!

Leave A Response