Sagaal ruux oo ku eedeysan ka mid ahaanshaha Al-shabaab oo la xukumay

by admin | Tuesday, Nov 5, 2019 | 671 views

Sagaal eedeysan oo ay ka mid tahay qof dumar ahaa loo xukumay ka mid ahaashaha Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Sagaalkan ruux oo ka soo hormuuqday Maxkamada ciidamada ayaa kala ah Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidoow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), Cabdi Shakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan qeybta loo yaqaamo Amniyaadka oo dadka sida gaadmada ah ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Maxkamada horteeda ayaa laga sheegay in dhamaan eedeysanayaa ay soo galeen gacanta ciidamada taariikhdu markey aheyd 14/03/2019

Eedeysanaha koowaad Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira) ayaa Alshabaab ku biiray 2017, meela kamid ah Shabeellada Hoose ayuu tababarkiisii ugu horreeyay soo qaatay.

Farxaan Faarax Maxamuud oo ah eedeysanaha labaad ayaa ahaa shaqsi Alshabaab u iibin jiray gawaarida ay u adeegsadaan howlahooda argagixisanimo.

Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ayaa ahaa madaxa wardoonka kooxdan, waxa uu ku biiray Shabaab 2018, dhowr goobo ayuu sahan u ahaa oo siyaaba kala duwan bambooyin loogu tuuray, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in kal hore Bariire u aaday tababar iyo is diiwaan gelinta kooxda, eedeysanaha labaad ayuu sheegay in uu ku tashkiiliyay kooxda.

Saafi Ciise Arwaax 2018 Alshabaab ayay ku biirtay waxa ay aheyd kala gudbiyaha hubka fudud oo ay Alshabaab ku howl-galaan, waxa ay sheegtay in ay ugu yeertay ku biirista kooxda haweeney ay daris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay kamid ahaayeen in laba nin kala tageen ayay ku sheegtay in ay ugu biirtay kooxda, xaafada badan oo cirifyada magaalada jira ayay u kala gudbin jirtay Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, waxa ay sheegtay Saafi in xiriiriyaha shabakaddan uu ka hagayay banaanka magaalada gaar ahaan Mubaarak.

Yaasiin Maxamed Axmed waxa uu Alshabaab ku biiray 2013, waxa uu katirsanaa jabhadaha dadka ku dhibaateeyo Ceelbuur, waxa uu sheegay in uu isaga tago Alshabaab laakiin CabdiShakuur ayaa uu sheegay in uu u hanjabi jiray.

CabdiShakuur Cali Maxamuud ayaa ku biiray Alshabaab 2016, waxa uu sheegtay in uu qeyb weyn ka qaatay tuurista Bambooyinka, waxa uu sidoo kale sheegay kaalinta eedeysanayaasha kale qaarkood ay ku lahaayeen kooxda ay kawada tirsanyihiin.

Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye ayaa isna Alshabaab ku biiray 2016, lix billod ayuu tabbar ku qaatay Jilib, tababarka ayaa ku saabsanaa Qaraxyada, waxa uu sidoo kale ahaa wardoon kasoo warrama dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Ex, Control Balcad.

Xasan Seekh Cabdullaahi ayaa iska diiday kamid ahaanshiyaha Alshabaab, waxa uusa sheegay in in badan oo kamid ah kuwa la xiran ay is yaqaaneen, halka iyaga laftooda ay ku marag fureen.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Ugu danbeyntii Maxkamada ayaa sheegtay in uu racfaan ka furan yahay xukunkan ay ku riday sagaalka eedeysane.mudo 30 cisho ah gudahood.

Like it? Share it!

Leave A Response