Sarkaal boolis ah iyo laba qof oo la fadhiday ayaa lagu dilay degmada Wadajir.

by admin | Wednesday, Oct 6, 2021 | 332 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saakay koox bistoolado ku hubeysan ay ka geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weerarka oo ka dhacay xaafadda Suuqa weyn, ayaa lagu dilay saddex ruux, halka lagu dhaawacay labo qof oo kale, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii weerarka geysatay oo saraakiil ku sheegeen iney ahaayeen Shabaab.

Dadka la dilay waxaa kamid ah sarkaal xidiigle boolis ah oo lagu magacaabo Cali Muuse (Cali Dahab), waxaa lala dilay mid kamida ilaaladiisa oo isna magaciisa lagu sheegay Xasan Dacar iyo qof shacab ah oo la fadhiyay maqaaxida lagu toogtay.

Ciidamada amaanka oo tegay barta toogashada ay ka dhacday, ayaa ka qaaday meydka marxuumiinta, iyagoo goobaha caafimaadka geeyay labada qof ee kale ee dhaawacntay oo lagu sheegay iney ahaayeen dad shacab ah oo maqaaxida ka shaaheynayay.

Ciidamada amaanka oo baaritaano sameeyay weerarkan kadib, ayaa la sheegay iney ku guuldareysteen iney gacanta ku soo dhigaan kooxihii falkan geystay.

Like it? Share it!

Leave A Response