Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Hargeysa

by admin | Sunday, Oct 17, 2021 | 406 views

Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa ku geeriyootay sideed kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib Shil Gaari oo xalay xilli dambe ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Shilka ayaa yimid markii ay isku dhaceen laba Gaari oo kala ah Nooha iyo Dhayna, xilli ay marayeen Kontoroolka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Somaliland oo goobta Shilka ka dhacay tegay ayaa sheegay in dadka dhintay ay kala yihiin Saddex Haween ah, Cunug yar iyo Darawalka mid kamid ah Gawaarida Shilka gashay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay gurmad u sameeyeen dadka ku dhaawacmay Shilkaas, waxaana uu ugu baaqay Darawalada Gaadiidka inay ka taxadaraan wadista Gawaarida si uusan shil u dhicin.

Magaalada Hargeysa ee degaannada Somaliland ayaa waxaa mar walba ka dhaca Shilalka Gaari, waxaana Somaliland ay sheegtay in ay mas’uul ka yihiin Darawalada Gaadiidka oo si aan wanaagsaneyn Gawaarida u wada.

Like it? Share it!

Leave A Response