Shir maanta Madaxda D/Goboleedyada uga furmaya Kismaayo

by admin | Tuesday, Sep 4, 2018 | 929 views

Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah Jubbaland maanta waxaa ka furmaya shir ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa ku wada sugan magaalada Kismaayo, kadib markii uu halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubbaland.

Shirka ayaa qorshishiisa wuxuu ahaa inuu furmo shalay balse wuxuu u baaqday in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka dib dhacay tagistiisa Kismaayo iyo Wakiilka QM oo gaaray Kismaayo oo wada hadalo la yeeshay Madaxda dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa horey u iclaamiyay Gudoomiyaha Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, iyada oo ciidan badan laga soo saaray xerooyinkooda, kuwaasi oo ku sugan wadooyinka magaalada iyo xarunta uu shirka ka dhacayo.

Shirkan ayaa wuxuu noqonayaa shrikii Saddexaad oo ay isugu yimaadaan madaxda dowlad goboleedyada, sidoo kale waa kii labaad oo madaxdan ay yeeshaan magaalada Kismaayo.

Like it? Share it!

Leave A Response