Doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo Dhuusamareeb ka dhaceysa

by admin | Tuesday, Sep 4, 2018 | 1067 views

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareb ee caasimadda Galmudug ay ka dhacdo Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.

Kursiga Golaha Shacabka ee lagu tartami doono ayaa waxaa baneeyay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo si toos ah isaga casilay xubinimada Baarlamaanka, 19-kii bishii August ee sanadkan.

Magaalada Dhuusamareeb shalay gelinkii dambe waxaa ka degay Taliyihii hore ee NISA C/laahi Gaafow Maxamuud oo doonaya inuu ku soo baxo booska uu baneeyay walaalkiisa C/qaadir Gaafow, una tartamaya kursiga banaan.

Doorashaddan ayaa waxaa ku tartami doona xubno dhawr ah oo uu ka mid yahay General C/laahi Gaafow Maxamuud, waxaana magaalada Dhuusamareeb diyaar ku ah dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay xubinta Kursiga doortaan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in ay shalay bilaabeen hubinta Ergooyinka, islamarkaana doorashada maanta ay ku dhaceyso sidii loogu talo galay.

Doorashadan ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa goob joog ka noqon doona Guddiga Doorashooyinka, Wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Saxaafadda.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka ku dhaw goobta ay doorashada ka dhaceyso, si looga hortago arbushaad dhacda inta lagu guda jiro Doorashada.

Like it? Share it!

Leave A Response