Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in lasoo gabagabeeyo.

by admin | Saturday, Oct 29, 2022 | 299 views

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo Magaalada Muqdisho, Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda oo ay uga arrinsadeen qodobo ay ugu weyn yihiin Amniga & Abaaraha.

Kulanka oo billawday 27kii October 2022, Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa gorfeeyay xaaladda Dalka gaar ahaan Amniga oo hoos imaanayaan la dagaalanka Al-Shabaab, xoojinta wada-shaqeynta dhexdooda & arrimaha Bani aadamnimo.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furay isla markaana shir Guddoominaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa madaxda Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kala hadlay ka mira-dhalinta qodobada ay kawada hadleen.

Waxaa lagu wadaa in warmurtiyeed muujinaya qodobada ay ku heshiiyeen Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda Federaalka laga soosaaro gunaanadka shirkaan.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa barbar socda kulamo doceedyo ay yeelanayaan Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada si ay uga arrinsadaan xoojinta qodobada miiska u saaran.

Like it? Share it!

Leave A Response