Somalia oo ka qayb gashay Shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta

by admin | Monday, Mar 20, 2023 | 128 views

Waxaa lagu soo gabogabeeyay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday halkaas.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii uu shirku socday ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo marxaladda kala guurka ah.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdigii La socday ayaa kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah wasiirrada Wadamada Carabta ee shirka ka qayb-gelaya gaar ahaan dalalka Ciraaq iyo Masar oo ay ka wada hadleen aqoon iyo khibard is-dhaafsi la xiriira jihaynta dhalinyarada iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah oo labada dalba ay horumar ka sameeyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response