Somaliland oo diiwaangelinta Cod-bixiyaasha ka bilaawday degaano lagu muransan yahay

by admin | Monday, Jan 11, 2021 | 401 views

Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee degmo-doorashooyinka Taleex, Xudun & Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Degmo-doorashooyinka Ceerigaabo, Badhan iyo Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Guddiga oo ay wehelinayaan Hoggaamiyayaasha Xisbiyada ayaa si talan-taali ah ugu sameeyay Kormeer iyo Indho-indhayn goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Magaaladda Laascaanood iyo Ceerigaabo iyagoo halkaas kula hadlay saxaafadda, una mahadceliyay Hawl-wadeenada Goobaha Diiwaangelinta, Kormeerayaasha iyo Farsamo-yaqaanada Goobaha kuwaas oo dhammaantood muujiyay dedaal dheeraad ah.

Xubnaha Guddiga, oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Komishanka, Eng. CabdiRashid Maxamed Cali, G/Xigeenka Mustafe Maxamed Daahir ayaa dhammaantood si weyn ugu hawlan dhammaystirka Diiwaangelinta degmo-doorashooyinka Taleex, Xudun & Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Degmo-doorashooyinka Ceerigaabo, Badhan, Dhahar iyo Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Musharax-xigeenka Xisbiga UCID, Axmed Cabdi Muuse Abyan, iyo G/Xigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde iyo sidoo kale hoggaanada Axsaabta iyo Wasiirada Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah iyo Warfaafinta & Wacyigelinta Dadweynaha ayaa Guddiga ku bogaadiyay hawlaha muhiimka ah oo ay ku mashquulsan yihiin ee ah Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Soomaliland.
Gobolada SOOL iyo SANAAG ayaa noqonaya labadii gobol ee u dambeeyay ee ay ka qabsoonto Diiwaangelintu iyadoo dhowaan KDQ ay soo afmeeri doonaan dhammaan Wajiyada (Clusters) Diiwaangelinta taasoo looga gudbi doono Kaar-qaybinta Codbixiyayaasha iyo sidoo kale Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanada Soomaaliland, waxaana xusid mudan in degaannada qaar ay ku muransan yihiin Soomaliland & Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response