Soomaali lagu helay inay gudbisay Hub loo waday Xuutiyiinta Yemen

by admin | Wednesday, Dec 9, 2020 | 425 views

Sida lagu sheegay warbixin cusub, hubka u socda kooxda Xuutiyiinta Yaman ee ka yimaada Iraan wuxuu sii maraa qeybo ka mid ah xeebaha Bari ee Soomaaliya, waxaana kala gudbisa koox Soomaali ah.

Sida ku xusan warbixinta, waxaa la qabtay markab la sheegay in uu gacanka Iraan ka soo daabulay hub loo waday maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallamo Yemen.

Waxaa arrintaas laga soo xigtay koox ku howlan ka ganacsiga hub sharci darrada ah oo uu fadhigeedu yahay Soomaaliya, sida uu ku warramay ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo The Global Initiative.

Bishii Juun ee sannadkan 2020, markab lagu magacaabo Al Bar 2, ayay ciidamada badda Sucuudiga qabteen, waxaana lagu soo warramayaa in uu siday shixnad hub ah oo uu ka soo qaaday gacanka Iraan, kuna wajahneyd maleeshiyaadka Xutiiyiinta.

“Baaritaanka ururka Global Initiative uu ku sameeyay markabka Al Bar 2, waxaa lagu ogaaday in shabakaddii ugu horreysay oo ku howlan ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee uu fadhigeedu yahay Soomaaliya ay ku lug leedahay hubka u kala gudbaya Iraan iyo Xuutiyiinta”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda warbixinta qortay waxay sheegtay in madaxa shabakaddan uu yahay qof wakiil u ah koox hubka kala gudbisa oo xiriir la leh ururka Al-Qaacidda iyo kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Yemen.

Sida ku xusan warbixinta lagu daabacay bogga Global Initiative, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, wuxuu sheegay in qabashada markabka Al Bar 2 uu caddeyn u yahay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey ee saaran Iraan iyo in la kordhiyo wakhtiga cunaqabateynta si looga hortago in Iraan ay hub siiso Xuutiyiinta iyo kooxaha kale.

Like it? Share it!

Leave A Response