SOSOCENSA; Bulshada rayidku kaalin fiican ayay ka qaadan kartaa xalinta khilaafka Siyaasadda & Dastuurka

by admin | Tuesday, Apr 24, 2018 | 1080 views

Dalladda Jilaayaasha aan dowliga ahayn ee  ayaa maanta magaalada Muqdisha waxa ay ku qabatay kulan Ballaaran oo ay ka qaygaleen xubno ka socday Ururada bulshada Rayidka ah ee Koofurta iyo Bartamaha, Culimada diinta, Odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo madaxda SOSCENSA.
Guddoomiyaha SOSOCENSA; oo ka hadlay Shirka ayaa sheegay in kaalinta bulshada rayidku ay waxtar iyo qiimo weyn ugu fadhiso dowladnimada iyo ladagaalanka caqabadaha ka hor iman kara dowladda.

Kulanka oo socday muddo laba maalin ah ayaa waxa uu ku saabsanaa Doorka Bulshada rayidka ah ee xal u helida Khilaafaadka Siyaasiga ah iyo kuwa Dastuuriga  ah ee ka horyimaada maamulka iyo dowladnimada dalka.
ka qaybgalayaasha shirkan oo dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay dhinacyada Doorka Bulshada Rayidka ah ee Xal u helida Khilaafaadka Siyaasiga ah iyo kuwa Dastuuriga  ah,

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Faragelinta Shisheeye iyo Heshiisyada caalamiga ah, Dib u eegista dastuurka, Sarreeynta sharcigaAmniga Musuqa &  Laaluushka ayaa waxa laga soosaaray shirkan war-murtiyeedkan:-

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

In doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ay u dhacdo si daah furan oo ka maran musuqmaasuqa, gaar ahaan laaluushka.
Faragelinta Shisheeye iyo Heshiisyada caalamiga ah
In dalka laga hor istaago faragalinta shisheeye iyo hoosaasinta sokeeye, sidaas darteedna ay laga maarmaan tahay in dawladda iyo bulshada rayidka ay iska kaashadaan dejinta qorshayaal iyo shuruuc looga hor tagayo faragalinta shisheeye.
In heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira aayaha dalka la marsiiyo Golaha Shacabka, isla markaasna Golaha Shacabku uu wada tashi la yeesho bulshada rayidka ka hor inta aysan heshiisyadaas noqon heshiiso rasmi ah.
Dib u eegista dastuurka
Arrimaha dib u eegsita dastuurka ayaa waxaa la isla gartay;
In ay muhiim tahay in la sameeyo khubaro Soomaali ah ee dhanka dastuurka oo dib u eegis ku sameeya dastuurka, si loo hubiyo in dastuurku uu ku saleeysan yahay rabitaanka shacabka.
In la koobo kooxahan badan ee ka wada shaqeynaya dib u eegidda dastuurka.
Guddiyada eegista dasturka in loo qabto muddo cayiman iyo jadwal hawleed cad.

Sarreeynta sharciga
Waxaa la isla qaatay in ay muhiim ay tahay sarreeynta sharciga, si loo xakameeyo ku tagrifalka awoodaha, waxaana hoosta laga xariiqay
In la dhiso garsoor dhameystiran oo caddaalad ku dhisan, sababtoo ah, dhawrista Sarreeynta sharciga waa midda kaliya ee lagu hanan karo kalsoonida shacabka.
In la helo garsoor caddaalad ah oo madax bannaan, oo leh dhammaan heerarkiisa kala duwan oo ay ku jirto maxkamadda dastuuriga ah.
In la helo awood qaybsi ku dhisan caddaalad oo ay u siman yihiin muwaadiniinta oo dhan.
Xallinta khilaafaadka Siyaasiga ah
Waxaa la isla gartay in ay lagama maarmaan ay tahay helidda dib u heshiisiin dhameystiran oo dhab ah, oo bulshada soomaaliyeed dhexdeeda ah, gaarahaan inta wax kala tabanaysa
Amniga
Ka qayb galayaasha shirka ayaa cadeeyay muhiimadda  uu Amniga u leeyahay dalka, gaar ahaan ammaanka caasimadda. Falanqeyn dhinacyo badan laga eegay kaddib waxa ay isla garteen in la qaado tallaabooyinka soo socda si loo xaqiijiyo ammaanka casimadda.
­ In ay ururada bulshada rayidka, maamulka gobolka Banaadir iyo xukaamadda Federaalka si wadajir ah uga shaqeeyaan siyaasadaha iyo istiraatiijiyadaha amniga Caasimadda.
In si wadajir ah looga hortago boobka hantida qaranka ee ka jira dalka oo dhan gaar ahaan magaalada Muqdisho, lagana soo saaro shuruuc xakameyneysa, gacanna lagu siiyo hey’adaha fulinta.
Musuq-maasuqa iyo Boobka Hantida Qaranka
Ka qayb galayaasha waxay walaac ka muujiyeen musuqmaasuqa ku faafay bulshada dhexdeeda iyo xafiisyada dawladda, caqabadna ku noqday habsami u socodka hawlaha hey’adaha dawladda, waxayna ku baaqeen in dawladdu ay si deg deg ah u sameeyso hanaan istaraatijiyadeed oo looga hortagayo musuqmaasuqa, lana abuuro hay`adda ka hortagga boobka hantida qaranka iyo ladagaalanka musuq maasuqa  isla markaana la xoojiyo garsoorka iyo howlaha hanta dhoorka qaranka oo xil gooni ah ka saaranyahay dhowrista hantida qaranka.
Gebagabada kulanka, ururada bulshada rayidka ayaa warmurtiyeedkooda waxa ay ku taliyeen in la sameeyo guddiyo bulshada rayidka ah oo daba gala fulinta iyo dhaqangalinta qodobada warpmurtiyeedka ku xusan.
Dhammaad

Like it? Share it!

Leave A Response