Taliska xoogga dalka oo ka jawaabay warbixintii Foreign Policy{warbixin}

by admin | Friday, Aug 10, 2018 | 992 views

Kadib Wargeyska Foreign Policy maqaal uu daabacay shalay ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladaha ay ku shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka, wuxuuna Soomaaliya ku tilmaamay dal ciidan la’aan ah.

Wargeyska Foreign Policy ayaa waxa uu soo xigtay Korneel Ka tirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, wuxuuna korneelka la barbar dhigay Soomaaliya dalka Afghanistan isagoo sheegay in Taalibaan ay la wareegto meel walbo oo Ciidamada Afghnaistan ay baneeyaan, Soomaaliyana ay tahay sidii Doonfaarka oo kale oo aan daahir sameyn.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ka jawaabaya hadalka uu sheegay Korneelka ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in sharafta ciidamada xoogga meel looga dhaco.

Taliyaha hoggaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare C/Xamiid Sheekh Cali Xaydar oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay qalad ay tahay in Sarkaalka ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Ciidamada Uganda uu sharaf ka dhac ku sameeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayuu sheegay in ay Soomaaliya ku joogaan nidaam islamarkaana uu iskaashi kala dhaxeeyo ciidamada xoogga dalka, waxa uuna tilmaamay in AMISOM ay Soomaaliya u joogaan in ay la dagalamaan Al Shabaab oo gurmad siiyaan dadka Soomaaliyeed balse aan looga baahneyn in ay xumaan ka sheegaan ciidamada xoogga dalka.

G/sare C/Xamiid sheikh Xeydar waxa uu sidoo kale sheegay in sarkaalka u dhashay Uganda uu isaga aqoon dheeri ah uu u leeyahay Doonfaarka uu sheegay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Korneel C/xamiid in Uganda markii ay bur bursaneed ay Soomaaliya ciidamo ka socda  tageen dalka Uganda islamarkaana halkaasi ay ku caawin jireen shacabka reer Uganda.

Dhismaha ciidamada qalabka sida ayuu sheegay in ay hortaagan yihiin dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xariiqay qarashaadka lagu bixin lahaa dhismaha ciidamada inay qaataan ciidamada AMISOM.

Dowladda Uganda ayuu ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay raali galin uga bixiso gafka uu ciidamada Soomaaliya u geystay Korneelka ka soo jeeda Uganda isagoona intaasi raaciyay in sharciga ay la tiigsan doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response