Taliyaha Booliska & Xaliimo Yareey oo ka wada hadlay Amniga doorashooyinka

by admin | Monday, Jan 6, 2020 | 679 views

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka  Xaliima Ismaaciil Ibraahim iyo Taliyaha Ciidanka Booliska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed “Xajaar” ayaa maanta kulan ka yeeshay arrimaha doorashada Soomaaliya  ee soo socota iyo doorka ay ka qaadan karaan Cidaamada ammaanka gaar ahaan Ciidamada Booliska.

Sidoo kale Taliyaha iyo Guddoomiyaha ayaa isla soo qaaday dowrka uu ka qaadan karo taliyaha, Guddiga isku dhafka ah ee Amniga Doorashada ( Electoral Task Force), islamarkaana loo dardargalin karo gudashada waajibaadkooda.

Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Ciidamo kale oo ka socda AMISOM ayaa loo qorsheeyey inay ka qeyb qaataan sugida Amniga xiliga ay dhacayaan doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response