Tiro hoobiyeyaal oo ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyadda

by admin | Saturday, Mar 2, 2019 | 1158 views

Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.

Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen.

Xaafadaha ka dambeeya Madaxtooyadda Soomaaliya ee 15-May & Xaafadda Caga Dhiig oo dhamaan ka tirsan Degmada Warta Nabadda, ayaa la sheegayaa inay hoobiyeyaasha qaar ku dhaceen.

Hobiyeyaasha mid ka mid ah waxaa uu kusoo dhacay Wasaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana wali rasmi ah loo xaqiijin karin Khasaaraha uu geystay.

Like it? Share it!

Leave A Response