Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Turkiga oo tababaraya sadex meelood meel ciidanka DF

by admin | Friday, Aug 7, 2020 | 438 views

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa guuleystay sanadihii lasoo dhaafay, iskaashigoodana waxaa ka mid ah in Turkigu uu tababaro sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka military-ga Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u jooga magaaladda Muqdisho Mehmet Yılmaz ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu “markii aan eegno wadarta guud, Turkigu waxaa uu tababarayaa sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka Soomaaliya, oo lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000 oo askeri.”

Waxaa intaas dheer in uu Mehmet Yılmaz sheegtay in meelaha kale ee ay iska kaashanayaan ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxbarashadda.

Safiirku waxaa uu sheegay in xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu dib ugu laabanayo sanado badan ka hor, laakiin horumarintiisa uu bilaabay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, xilligaas oo wadanka ay abaaro ka jireen.

“booqashada Madaxweyneheenu uu 2011-kii ku yimid Soomaaliya waxay bedeshay wixii wadanka ka jiray, waxayna xiriirka ka dhigtay heer cusub,” ayuu yiri Yilmaz. Waxaa uu sheegay in booqashadii Erdogan ay tooshka ku shiday Soomaaliya.

Isagoo hoosta ka xariiqay in “Erdogan uu noqday hoggaamiyaha keliya aan African ahayn ee Soomaaliya yimid muddo 20 sano ah” ayuu sheegay in fariintii Erdogan ay ka farxisay Soomaalida.

Safiirku waxaa uu intaas ku daray in Turkigu uu sii wadayo taageeradda uu siiyo Soomaaliya oo ay la socoto kaalmo bani’aadanimo oo loogu eegayo baahida uu wadanku hadda qaboo ee dhanka caafimaadka, waxbrashada iyo amniga.

‘Iskaashiga militery ee Turkiga uu la leeyahay Soomaaliya waa mid aad muhiim u ah’

Isagoo tixgelinaya iskashiga military ee labada dal ayuu Yilmaz sheegay in ku lug-lahaanshaha Turkiga ee Soomaaliya ay “aad muhiim u tahay.”

“Iskaashiga military ee Turkigu kula jiro Soomaaliya aad ayey muhiim ugu tahay wadankaan. Waxay qayb ka tahay amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisadda,” ayuu yiri.

Isagoo sheegaya in rajadda ugu weyn ee beesha caalamku ay Soomaaliya ka qabto ay tahay tababaridda unugyo xaqiijiya nabad-geliyadda wadanka, ayuu xusay suurta-galnimada ah in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxaan.

“Ka bixitaanka ciidanka AMISOM ayaa laga hadlayay maalmahaan. Xaqiiqdii, qorshaha kala guurka Soomaaliya, oo lagu dhaqan geliyay dadaaladda dib u dhiska ee Dowladdu waddo ayaa taas laga arki karaa. Sanadkii lasoo dhaafay iyo sanadkaan tirada ciidanka AMISOM 2.000 ayaa ka yaraatay. Laakiin taas xaqiijinteedu waxay ku xirantahay in la abuuro ciidan Soomaaliyeed,” ayuu yiri Yilmaz.

“Waxaan si cad u dhihi karaa in Turkigu uu yahay dalka Soomaaliya siiya taageeradda ugu tayada badan,” ayuu hadalkiisa ku ii daray.

Safiirku waxaa uu sidoo kale sheegay in saraakiisha laf-dhabarta u noqon doona ciidanka Soomaaliya lagu tababaray saldhigga TURKSOM, isla markaana la siiyay tababar heerkiisu aad u sarreeyo.

“Mar ka hore wax barasho aasaasi ah ayaa lagu baraa Soomaaliya. Kadibna waxaa loo diraa gobolka Isparta ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ku qaataan tababarka komaandooska. Markii ay dhamaatana waxaa loo soo wareejiyaa military-ga Soomaaliya,” ayuu yiri Ylmaz.

Safiirku waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Turkigu argagixisadda u yaqaano ee FETO loo soo gaabiyo, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ahayd wadankii ugu horeeyay ee soo gabangabeeyay dhaq-dhaqaaqii FETO, markii uu fashilmay afgambigii Turkiga sanadkii 2016-kii.

Mehmet Yilmaz waxaa uu amaanay dadaaladda mu’asasada Maarif ay ka wado Soomaaliya, si loo kordhiyo waxbarashada dalka.

“Maarif shaqo fiican ayey Soomaaliya ka qabteen. Mu’asasadu waxay ku dedaaleysaa in ay dhisto laba iskuul. Iskuuladaas aad ayaa loogu baahanyahay. Waxaa jira iskuul kale oo Maarif ay ka dhistay Somaliland. Macamiliinteenu waa ay guuleysanayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Like it? Share it!

Leave A Response