Wafdi ka socda Taliska Mareykanka oo gaaray dhuusamareeb.

by admin | Thursday, Nov 17, 2022 | 195 views

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe), ayaa Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay wafdi ka socday AFRICOM, kuwaas oo maanta gaaray halkaas.

Wasiirka ayaa wafdiga gaaray Dhuusamareeb la yeeshay kulan, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin in ay iska kaashadaan la dagaalanka Ururka Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda dalka.

Wasiir Gaboobe ayaa AFRICOM uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan la dagaalka Al-Shabaab iyo sida ay xilli kasta ugu heellanyihiin in ay bulshada Soomaaliyeed ku garab siiyaan in ay iska dulqaadaan.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa waxaa ay Soomaaliya ka caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo mararka qaar duqeymo u geysta fariisimaha Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response