Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii Caawa ka dhacay Magaalada Marka

by admin | Sunday, Jan 19, 2020 | 553 views

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal Culus oo Caawa ka dhacay Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Dagaalkan oo socday muddo kooban ayaa waxaa la sheegay in markii hore uu ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Ruushka ee Marka.

Dadka deegaanka oo la hadlay  warbaahinta  ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaal kooban uu ka dhacay Degmada Marka, isla markaana ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafdanayeen

 

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa waxaa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab ayna Khasaaro gaarsiiyeen.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Caawa ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, maadaama xili habeen ah ay tahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalad Marka ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda haatan ay tahay mid degan, isla markaana wax dagaal ah uusan socon.

Like it? Share it!

Leave A Response