Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Muqdisho iyo dowladda Talyaaniga oo war kasoo saartay

by admin | Monday, Sep 30, 2019 | 911 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax Barqanimadii maanta ka dhacay inta u dhexeeysa Kullyadda Jeelle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya gaar ahaan Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla meel aan sidaas uga fogeyn Kulyadda.

Qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Talyaani xili ay socdaal ku marayeen Suuq lagu iibiyo Ariga,isla markaana waxaa Ciidanka ay wateen saddex gaadiid oo nooca dagaalka ah.

Sida la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacmay illaa 3 qof oo Shacab ah oo marayey jidka Xilliga uu qaraxa dhacayey, waxaana weli la helin Khasaaraha gaaray Ciidamada Talyaaniga.

Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga oo qoraal kusoo qortay barta Twitterka ayaa xaqiijisay in qaraxaas lala eegtay Ciidamo ka tirsan Talyaaniga oo marayey jidka Warshadaha, kadib markii ay kasoo laabteen tababar ay soo  siiyeen ciidamada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay inuu qaraxa haleelay laba ka mid ah gawaaridii Gaashaannaa ee weerarka qabsaday. Waxay sheegtay inuusan jirin khasaaro Ciidamada Talyaaniga kasoo gaaray Qaraxii Muqdisho lagula eegtay sida ay sheegatay.

Like it? Share it!

Leave A Response